Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshtay Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in ay sameysanayaan Maamul Goboleed u gaar Gobolka Hiiraan .
Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaas Shafeec oo kamid ah Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in odoyaasha Gobolka Hiiraan ay go’aasadeen Maamul u gooni ah Gobolka Hiiraan.
“Marka uu naga soo gaba gaboobo caleemo saarka iyo caana Shubka Ugaas Xasan, waxaan u soo jeesanaynaa oo aan ku mashquuleynaa dhismaha Maamul gaar noo ah, Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeenka iyo Baarlamaan ayaan dhisanaynaa.” Ayuu yiri Ugaaska.
Odoyaasha Gobolka Hiiraan ayaa wali ku adkeysanayo in aysan ka qeyb gali doonin shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa ay taalo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Urur Goboleedka IGAD, Dowlada soomaliya ayaa ku guuldareystay isku dayo lagu doonayay in odoyaasha Gobolka Hiiraan lagu qanciyo ka qeyb galka Shika Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

