Xildhibaanada baarlamanka Maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshtay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa Cod Aqlabiyad ah ku diiday Digreeto Madaxwaynaha Puntland C/Wali Maxamed Gaas wakhtiga ugu siyaadiyey Maxkamada Sarre ee Puntland mudadaas oo gaareysa 4-Bilood.
Madaxwaynaha Puntland C/Wali Maxamed Gaas ayaa dhawaan Muddo afar Bilood ah ugu siyaadiyay Maxkamada Sarre ee Puntland mudadaas oo gaareysa 4-Bilood, kadib Digreeto kasoo baxday Xafiiskiisa.
Madaxwaynaha Puntland ayaa Haatan laga Sugayaa in uu soo magacaabo Maxkamada Sare ee Puntland oo ka kooban 5Xubnood oo kal ah Gudoomiye, ku xigeen iyo Sadex Garsoore.

