Madaxwaynaha Puntland oo La Kulmay Gollaha Deegaanka ee Magaalada Gaalkacyo+Sawirro

0

Madaxweynaha  Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20-July-2016 aqalka Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo ee cusub, kulankaas oo isugu jirey dhiirri gelin iyo dar-daaran.

Madaxweynaha ayaa golahaan uga warbixiyey dedaalkii dheeraa ee ay  ku bixisay sidii loosoo celin lahaa bilicda iyo horumarka magaalada Gaalkacyo, taas oo u baahan in laga sii amba qaado meesha ay dalwaddu soo gaarsiisey.

Madaxweynaha ayaa golahaan ku tilmaamay in ay yihiin maskax cusub isla markaana looga baahan yahay isbeddel mug leh in ka muujiyaan magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay dedaal dheeraad ah suubiyaan si loo dardar geliyo shaqooyinka culus ee horyaalla.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay golahaan in ay ka fogaan wax walba oo golaha dhexdiisa ku keeni kara khilaaf iyo tafaraaruq isla markaana caqabad ku noqon kara hawlaha shaqo ee golaha loo igmaday iyo in ay wada shaqay dhow la yeeshaan hay’adaha kale ee shaqooyinka ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin Laamaha kala duwan ee Ammaanka iyo maamulka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa golahaasi ku boorriyey in ay adkeeyaan ammaanada isla markaana ay xil iska saaraan sidii loo adkayn lahaa hantida dadweynaha ee ay masuulka ka yihiin ayna ka fogaadaan musuq-maasuqa iyo is dabo marinta.

Ugu dambayn xubnaha golaha deegaanka ayaa Madaxweynaha su’aalo la xiriira dar-dar gelinta shaqada, hufnaanta iyo wada shaqaynta golaha deegaanka iyo hay’adaha ay wada shaqayntu kala dhexayso wax ka weydiiyey Madaxweynaha iyadoona uu Madaxweynuhu uga jawaabey golaha dhammaanba su’aalahaasi.

Hoos ks Daawo Sawirro

IMG_9195IMG_9200IMG_9201IMG_9203IMG_9207IMG_9208

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here