Dab xoogan ayaa galabta ka kacay Dhismaha Sulafa ee Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta kaasi oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha uu geystay.
Shaqaalaha dab damiska ayaa goobta o gaAray kuwaasi oo isku dayaya in ay damiyaan dabka ka kacay Dhismaha Sulafa ee Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Dhismahaan wuxuu ka mid yahay dhismooyinka ugu dhaadheer ee ku yaala Magaaladaasi sidoo kale Dhismahaan wuxuu ka kooban yahay 75 dabaq, dhirirkiisuna waxaa weeye 285 mitir.










