Golaha Wasiirada Xukuumada Fedraalka Soomaliya kulan deg deg ahaa ay maanta ku yeeshteen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliyay ayay si rasmi ah ugu magacaabeen Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud in uu noqdo Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Dowlada Soomaliya.
Golahu ayaa sheegay in kadib markii ay arkeen in uu kasoo baxi karo Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud xilka Taliyaha Nabad sugida ay isku raaceen in si rasmi ah loogu magacaabo xilkaas xili uu maalmihii dambe si KMG- ahaan u hayay xilkaas, kadib markii uu Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu xilkii ka qaaday Taliyihii Hore C/raxmaan Tuur Yarre oo haatan ah la Taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada soomaliya.

