Banaanbax Loogu Soo Horjeeday Afgambigii Dhicisoobay ee Ka Dhacay Dalka Turky-ga oo Lagu Qabtay Muqdisho(Daawo Sawirrada)

0

Banaanbax  lagu Taageerayay Dowlada Turky-ga  islamarkaana loogu soo horjeeday afgambigii dhicisoobay  dalka Turky-ga ka dhacay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay Mas’uliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya,  Culumaa’udiin Soomaliyeed , shacab ka kala yimid 17-degmo ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo watay boorar ay ku qornaayeen sawirada Madaxweynayaasha Turky-ga  iyo Soomaliya iyo calamada labada wadan.

Mas’uuliyiintii ka  qeyb gashay waxaa kamid ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Jeylaani Nuur iikar, Shiikh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed,  Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaliyed  Shiikh Nuur Baaruud Gurxan.

Ugu horeyntii Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaliyed  Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo dadweynihii maanta isugu soo baxay Taalada daljirka dahsoonka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dowlada soomaliya iyo shacabka soomaliyeed ay garab taagan yihiin shacabka Turky-ga iyo dowladooda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi , ayaa dhankiisa sheegay in shacabka soomaliyeed iyo kan turkey-ga uu ka dhaxeeyo kaliyah islamaaniyada taasina ay keentay in shacabka Soomaliyeed ay ka banaanbaxaan afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka turkey-ga.

gam_1 gam_2 gam_5 gam_6 gam_7 gam_8 gam_11 gam_12 gam_13 gam_14 gam_16 gam_17

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here