Madaxweynaha Soomaliya oo Kulan La Qaatay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Gudoomiyayaasha  17degmo ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan uu madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud la qaatay dhamaan Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa goob joog ka ahaa Gudommiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Shiikh Yuusuf xuseen Jimcaale Gudoomiye kuxigeenada Gobalka, Maxamed Axmed Diiriye(Yabooh) iyo Taliyaha CIidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe.

Kulanka intuu socday  waxyaabaha laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii saro loogu qaadi lahaa adeegayada bulshada ay u hayaan Maamullada degmooyinka Gobalka Banaadir, sare u qaadista Bilicada Caasimadda iyo xoojnta isdhexgalka Bulshada ku nool Maqaalada Muqdisho.

Ugu Horeyntii Gudommiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Shiikh Yuusuf xuseen Jimcaale oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa intuu xilka hayay.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Madaxda Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay la yimaaday shaqo wanaagsan iyo in ay mar walba ka shaqeeyaan isdhexgalka Bulshada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here