Inta la xaqiijiyay 80ruux ayaa ku dhimatay Magaalada Nice ee dalka Faransiiska kadib markii nin la socday gaari xamuul ahaa uu jiirsiiyay dad isugu soo baxay wadooyinka Magaaladaasi, xilli ay ka socotay feestada Bastille oo sanad kasta laga xuso dalkaasi.
Ciidamada dalka Faransiiska oo gaaray goobta uu shilkaan ka dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan 80-ruux ay ku dhinteen kadib markii nin la socday gaari xamuul ahaa uu jiirsiiyay dad isugu soo baxay wadooyinka Magaaladaasi, waxayna laamaha amaanka ay sidoo kale sheegeen in ninkaan falkaan geystay uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Tunusia balse uu hayso dhalashada France.
Madaxweynaha Faransiiska François Hollande, oo ka hadlay weerarkaasi, ayaa durbaba ku sheegay weerar argagaxiso, iyadoona uu si kulul u cambaareeyay.
Madaxweynaha waxaa uu ku dhawaaqay in saddex bilood oo dheeri ah uu dalkiisa ku sii jiri doono xaalad deg deg ah, isla-markaana ay kumanaan ka mid ah Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariguba ka qayb qaadanayan suggida ammaanka dalkaasi.














