Howlga Ciidamada Ha’yada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada booliiska Galmduug ay si wadajir ah uga Fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay gacanta ku soo Dhigen Hub iyo Saanad Ciidan oo loo waday Dagaalamayaasha Al-shabab ee Gacanta ku haya Degamada Xarar-dheere ee Gobalka Mudug
Taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo warbaahintakula Hadlay Saldhiga Dhexe Ciidamada Booliska Galmudug ee Magaalada Gaalkacy oo manta lugu soo Bandhigay Hubkaan iyo Shaqsiyaadkii waday ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Nuucayada Hubka ay Ciidamada gacanta ku dhigeen iyo sida laga yeelayo.
“Maanta waxa halkaan yaala oo aad arkeeysaan waa qalab ciidan oo loo waday kuwa sharwadayaasha ah waa siduu hadal u dhigee, ee utaagan ineey burburiyaan umadda soomaaliyeed qalabkaan muddo dheer ayaan xogteeda daba joognay waxaana xalay ku guuleeysanay si wadajir ah ciidamada nabad sugida Qaranka iyo ciidamada boliiska soomaaliyeed oo si wadajir ah uga howlgalay ayaa gacanta kusoo dhigeen qalabkaan aad arkeeysaan oo ah qalab ciidan oo loogu tala galay in lagu baa biyo umadda soomaaliyeed oo dhiigooda lagu daadiyo ayaan waxaan ku guuleeysanay gaarigaas iyo ciddii waday iyagoo ula sii gur guuranaya xagga dagmada Xarar dheere ayaana xalay qabanay saacadu markeey aheeyd 3dii habeenimo”, ayuu Yiri Taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar.
Taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar intaa hadalkiisa ku siidaray in Ciidamadu ay xoojindoonaan Howlgalka ka dhan ah Al-shabaab is loo wiiqo awooda ay ku leeyihiin Gobalada Dhexe.







