Dowladda Australia, ayaa maanta ka hadashay gabadhii Somaliyeed ee shalay isku gubtay xerada Nauru oo ku taala Jazeerada Pacific-ga,
Wasiirka Laanta Socdaalka Australia Peter Dutton oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Canberra , ayaa sheegay in Hodan Axmed Barre in ay go’aansatay hal arin taasi oo aheyd in ay is gubto ugu dambeena ay arintaas ku dhaqaaday.
“Waa wax aad loogu xumaado oo laga naxo waxa ka dhacay xerada ku taala Jazeerada Pacific-ga, dadka ku nool jaziiradaas ee qaxootiga waxaa lagu dheeri galiyaa in ay is gubaan si ay magangalyo u helaan ayuu yiri Wasiirka Laanta Socdaalka Australia
Wasiirka Laanta Socdaalka Australia ayaa ku eedeeyay hay’adaha xuquuqul insaanka iyo qaar kamid ah dadka reer Australia, oo uu ku sheegay inay iyagu dhiira-gelinayaan qaxootiga, si dib u dejin loogu sameeyo Australia.
Hodan Axmed Barre oo Isniintii shalay isku gubtay Jazeerada Nauru, ayaa waxaa maanta si de deg ah loogu qaaday dalkaas, ka dib markii la sheegay in xaaladeeda caafimaadeed ay tahay mid aad u liidata.

