Guddiga Difaaca wariyayaasha ee CPJ warbixin uu maanta soo saaray ayuu ku sheegay in dalka soomaliya uu kamid yahay wadamada aan daba-galka lagu sameenin dilalka loo geysto wariyayaasha.
Guddiga CPJ waxa uu ku dhaleeceeyay Ururada Saxaafada iyo Dowlada Soomaliya In aysan baaritaano iyo daba-gal buuxa ku sameenin dilalka taasi ay keentay in Soomaliya ay kaalinta kowaad kasoo gasho dalalka lagu dhiibaateeyo wariyayaasha.
Dhanka kale Guddiga Difaaca wariyayaasha ee CPJ ayaa soo saaray liiska wariyayaasha lagu dilay Caalamka iyo Dalalka lagu dilay. Tan iyo sanadkii 1992-dii iyo 2016-ka
Halkaan Hoose ka Akhriso liiska
| 1. Iraq: 174
2. Syria: 94 3. Philippines: 77 4. Algeria: 60 5. Somalia: 59 6. Pakistan: 57 7. Russia: 56 |
8. Colombia: 47
9. India: 38 10. Brazil: 38 11. Mexico: 36 12. Afghanistan: 27 13. Turkey: 24 14. Bangladesh: 20 |
15. Bosnia: 19
16. Sri Lanka: 19 17. Rwanda: 17 18. Tajikistan: 17 19. Sierra Leone: 16 20. Israel and the Occupied Palestinian Territory: 16
|
Maanta oo Taariikhda ay ku beegan tahay 3-May ayaa loo asteeyay maalinta Saxaafada waxayna Soomaliya kamid tahay wadamada lagu dhibateeyo wariyayaasha.

