Xaalada Deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Dagan

0

Waxaa saakay dagan xaalada deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa xarakada al-shabaab iyo ciidamada dowlada soomaliya oo maalin ka hor qabsaday deegaanka.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ee al-shabaab ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Idaacadda  Alfurqaan wuxuu uga hadlay khasaarihii ciidanka Dowladda kasoo gaaray dagaalkii Ruun-irgood. Wuxuuna Gudoomiyaha al-shabaab uu tilmamay in qasaaro weyn uu soo gaaray ciidanka dowlada waa siduu hadal u dhigee.

Taliska Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ka Hadlay Dagaalkii ka Dhacay Deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya looga dilay 8-askari al-shabaab-na ay dhankooda ka dileen 12-askari.

Dhanka kale deegaanka Run-irgood ee Gobolada Shabeelaha Dhexe waxaa xalay ku hoyday ciidamo ka tirsan al-shabaab, waxaa waqti walba la filan karaa dagaal dhaxmara labada dhinac.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here