Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed cali Gaas oo xalay Magaalada boosaaso kaga qeyb galay Munaasabad Lagu Soo Dhoweynayey Wufuudii Caalamiga ahayd ayaa sheegay in siyaasiyiinta puntland iyo shacabka ay kala hadlaan waqti walba arrimo la xariira qabiilka.
”Maalin walba irida qof kastoo iiga soo galaa aragti qabiil buu huwan yahay, wuxuu igala hadlaa waa qabiil, marka haddii 24-saac u fadhiyo inaan kar kariyo qabiil oo ka shaqeeyo qabyaalad iyo reer hebel maxay helayaan ,waxaad ii doorateen ma ahan baan u malaynayaa iyo waxa meesha aan u joogna, marka waxaan u baahan nahay inaan aragtideena is-badasho” ayuu yiri madaxwayne Gaas.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed cali Gaas ayaa sheegay in wali maamukiisa Puntland uu diyaar u yahay la dagaalanka Xarakada al-shabaab oo bil ka hor weerar ku qaaday deegaano ka tirsan maamulka Puntland.
Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili Maamulka Puntland uu dhawaan qaatay nidaamka 4.5 oo ah nidaamka lagu saleyn doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

