Wararka ka imaaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Runirgood ayaa sheegaya in dagaal culus in uu haatan ka socdo deegaankaas.
Dagaalka ayaa la sheegay in ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada al-shabaab oo shalay subaxnimadii isaga baxay deegaanka.
Ciidamada Dowladda soomaliya oo ku sugan gudaha Magaalada ayaa la sheegayaa inay iska caabinayaan ciidanka Shabaabka weerarka culus saaka aroortii ku soo qaaday deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

