Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo ku sugan Magaalada jig-jiga ee ismaamulka soomalida Ethopia ayaa dhexdhaxaadin ka dhex bilaabay Maamulka Galmudug iyo ismaamulka Soomalida Ethiopia.
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa shalay gaaray magaalada jigjiga ee ismaamulka Soomalida Ethopia arimaha ugu weyn ayaa ahaa sidii ismaamulka Soomalida Ethiopia uu kala hadli lahaa dhibaatooyinka ay ciidamada Liyuu Boolis ay ku hayaan shacabka ku nool xadka Gobolka Galgaduud oo la wadaago ismaamulka Soomalida Ethiopia
Madaxweyne Axmed Madoobe oo jimcihii aynu soo dhaafnay gaaray Magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomalida Ethopia ayaa haatan ku howlan dhexdhaxaadinta maamulka Galmudug iyo ismaamulka Soomalida Ethiopia
Ciidamada Liyuu Booliska ee ismaamulka Soomalida Ethiopia, ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya shacabka ku nool xadka Gobolada Galgaduud uu la wadaago ismaamulka Soomalida Ethiopia.

