Raisulwasaare Cumar “Waxaan ka Codsanayaa Baarlamaanka In ay Ansixiyaan Hanaanka Doorashooyinka”.

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo maanta hortagay xildhibaanada baarlamanka soomaliya ayaa ka codsaday in ay ansixiyaan hanaanka doorashooyinka dalka.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke  ayaa u gudbiyay Baarlamanka soomaliya Qorshaha Xukuumada ee dhanka iyo doorashooyinka waxaana kamid ahaa, in aqalka hoose ee Barlamaanka uu ka koobnaan doono 275 Xildhibaan kuwaasi oo lagu soo xuli doono hanaanka beelaha ee 4.5,  aqalka sare ee baarlamaanka   oo isna ka koobnaan doono 54 mudane ayna ka imaanayaan  6da  maamul goboleed  ee ka jira dalka , isla markaana haweenku ku yeeshaan %30  golle kasta, iyadoo doorashada ay ka dhaceyso caasimadda dowlad goboleedyada jira, marka laga reebo maamulka Somaliland.

“Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka, iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ku saleysnaa go’an wadar ogol ah oo ay qaateen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here