Maamulka Puntland oo Taageero Caalami ah Codsaday

0

Maamulka Puntland ayaa beesha caalamka ka codsaday in laga gacan siiyo la dagaalanka Daacishta Somaliya ee billo ka hor looga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ee maamulka puntland.

Taliyaha Ciidanka Puntland, General Saciid Maxamed Xersi (Saciid Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka SKYNEWS, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in maamulka puntland lagu taageero la dagaalanka daacish-ta dhawaan loogu dhawaaqay Buuraha Galgala.

“Puntland waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa in lagu taageero la dagaalanka ururka daacish iyo al-shabaab oo awood badan ku yeelana deegaanada maamulka puntland ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Puntland, General Saciid Maxamed Xersi (Saciid Dheere).

Hadalka Taliyaha Ciidanka Puntland, General Saciid Maxamed Xersi (Saciid Dheere) ayaa kusoo beegmaya xili maanta ciidamada puntand ay la wareegeen gacanta ku heynta gurigii uu Sheekh C/qaadir Muumin  ka degnaa  deegaanka Galgala.

1462033375dc3f0 1462033402f3fdd 14620333738e551 14620333744a158 14620333763c13d 14620334004ea75 14620334057e2aa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here