Raisulwasaaraha soomaliya Mudane C/rashiid Cali sharmarke oo maanta ka qeyb galay barnaamijka todobaadka ee radio muqdisho ayaa sheegay in xukuumada soomaliya ay ku howlan tahay sidii shaqo abuur dhanka gudaha ah loogu sameyn lahaa dhalinyarada soomaliyeed si aysan naftooda ugu haligin badda.
Mudane C/rashiid Cali sharmarke Raisulwasaaraha soomaliya ayaa sheegay in dhalinyarada soomaliyeed sabaha ugu weyn ay badaha ugu dhamaanayaan ay tahay shaqo la’aan dalkooda ka jirta sidaas darteed xukuumada soomaliya ay dhalinyarada gudaha soomaliya ugu abuuri doonto shaqooyin kala duwan.
“Xukuumada soomaliya waxa ay shaqo abuur dhanka gudaha ah ay u sameenaysaa dhalinyarada soomaliyeed, si dhalinyarada ay u badalaan fikirkooda ah in ay tahriibaan ayuu yiri cumar C/rashiid cali sharmarke.
Hadalka Raisulwasaaraha soomaliya Mudane C/rashiid Cali sharmarke ayaa kusoo aadaya xili bishaan gudaheed ay dhalinyaro soomaliyeed ku dhinteen badda isku xirta wadamada Masar iyo Talyaaniga.

