Madaxweynaha Puntland oo Heshiis la saxiixday Maalqabeen u dhashay Dalka Sucuudiga

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan hawlo shaqo oo muhim ah u joogey magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Dalka Sucuudi  heshiis taariikhi ah oo ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland waxa uu la saxiixday Maal-qabeenka weyn ee kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Heshiiskaasi ay kala Saxiixdeen Madaxweynaha  Puntland iyo maal-qabeenka sucuudiga ayaa ah dhismaha Deked laga dhisi doono magaalada Garacad ee Gobolka Mudug, waddo laami ah oo isku xidhi doonta magaalooyinka Garacad iyo Galdogob, iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo  oo loo dhisi doono hab caalami ah.

Sidoo kale Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Amiir Suldaan bin Naasir waxay ku heshiiyey in Amiirku maal-gashada Wershado kalluunka  qasacadeeya iyo qaboojiyayaal waaweyn oo laga hirgelindoono deegaano xeebeedyada Puntland ee ay kamidka yihiin Laasqoray, Baargaal, Xaabbo, Ayl iyo Garacad.

Maal-gashiga xoolaha nool iyo dugsiyo lagu baran doono xirfadaha kalluumaysiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha ayuu sidoo kale ballan qaaday Amiirku in uu ka hirgelin doono deegaano kala duwan oo kamid ah gobollada Puntland, isla markaana waxaa laysla qaatay in heshiis kaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland ayaa ka degey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia,  halkaas oo uu shirar iyo kulamo kala duwan kula qaadan doono madaxda ugu sarraysa dawladda Ethiopia.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan-qaaday markii uu la wareegey hoggaanka Puntland in uu  is beddel muuqda ku samayn doono dhismaha kaabayaasha dhaqaala iyo koboca dhaqaalaha Puntland.

1 2 4 7

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here