Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furey shir looga hadlayo qaab dhismeedka ciidanka booliska.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Maxamed sheikh Xaamud, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socda Wasaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo khubaro dhanka sharciga ah.
Intuu socdo shirka ayaa loogu doodi doonaa kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhisayo dhawaan.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed
Dhanka kale Wasiirka amniga Gudaha Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Shirkaan uu daba joogo shirkii magaalada Nairobi ka dhacay Bishii hore ee looga tashanayay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Booliska heer Federaal iyo kuwa Gobolada, maadaama dalka ay ka dhismeen Dowlad Goboleedyo kuwa kalena la filayo in hadda la dhiso.

