Marwada Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki, Ms Lucy Kibaki ayaa goordhaweyd ku geeriyootay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Ms Lucy Kibaki Marwada Madaxweyinihii hore ee Kenya oo mudooyinkii dambe xanuunsanaysay ayaa maanta lagu waday in loogu qaado isbitaal ku yaala dalka Ingiriiska kaasi oo lagu magacaabo Bupa Cromwell.
Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Bartiida Twitter-ka kusoo qoray Tacsi uu u diraayo ehelada iyo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki, kadib geerida ku timid Ms Lucy Kibaki.
