Shir loogu hadlaayay Sida Bulshada Looga Qayb Galinkaro Dastuurka oo Muqdisho Lagu Soo Gaba-gabeeyay

0

Raisuwasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kusoo xiray shir loogu hadlaayay sida bulshada looga qayb galinkaro dastuurka dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galay wasiirka arimaha Dastuurka Xukuumada Soomaliya , gudiga la socodka dastuurka ee barlamaanka iyo Gudiga madaxa banaan ee Dasturka iyo qaybaha Bulshada Rayidka ah.

Mas’uuliyiintii xiritaanka shirka ka hadlay waxaa kamid ahaa Wasiirka arimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo tilmaamay shirkaan in uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday waxa uuna sheegay in ay dhiiri galinayaan wadatashiyada Bulshada rayidk ah.

Ugu dambeyntii Raisul waasare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in loo bahan yahay  in sharaxaad dheeraad ah loo sameeyo qodobada dastuurka.ku qoran.

Halkan hoose ka akhriso war-murtiyeedka laga soo saaray shirka

Kulanka wadatashiga  ka dib, waxaa ururada bulshadda rayidka ah iyaga oo la tashanaya Wasaaradda Arrimah Dastuurka soo jeedeeninayaan qodobada hoos ku qoran;

Waxaa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in  dib-u-eegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.

In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga La socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista Dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka iyo Bulshada Rayidka ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-socodka dib-u-eegista

Kulankan waxa uu hoosta ka xariiqayaa in la tixgeliyo Xauquuqda siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed.

Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha-dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.

Dastuurku waa in lagu qoraa Afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo

Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka  ah ay ka tala-galiyaan ururada bulshada rayidka  fariimaha lagu baahinayo aaladaha warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo  dareen dhib u keeni kara geedi-cosdka dib-u-eegista dastuurka.

Qaybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa in la qabto kulamo  balaaran (town hall meetings) oo ay qayb ka yihiin urrurada Bulshada Rayidka ah  oo lagu soo Bandhigayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga. ah.

In bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururada qaabaysan, ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha.

In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka, muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda

In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo  dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas

Waan in bulshadda  baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan  lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.

Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Gobaleedyadda iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan  xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana  ay si joogta ah ula shaqeeyaan  kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi- socodka dib-u-eegista dastuurka.

Maamuladda dalka ka jiraa  waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-eegista iyo  faafinta dastuurka.

Waxaan soo Dhowaynaynaa Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka oo la isku raacay in Garoowe lagu qabto 25 May 2016, waxaan ka codsanaynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in si weyn loo tixgeliyo ka qaybgelinta urrurada Bulshada Rayidka ah Shirweynaha Qaran.

Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Urrurada Bulshadu Rayidka waa in la joogteeyaa kulamada noocan ah.

Waxaan u  mahad-celinaynaa dhaamaan ka qayb-galayasha ka kala yimid dalka oo dhan, qaban-qaabiyayaasha shirkan socday labada maalin iyo hay’adihii gacanta ka gastay in uu si guul ah ku dhamaado.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here