Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Mudane Maxamed shiikh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiska kulan kula qaatay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Olgan Bakar.
Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay intuu kulanka socday dedejinta dib u dhiska xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho oo ay hada gacanta ku heyso hay’adda TIKA ee dalka Turkiga laga leeyahay.
Gudoomiye Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari iyo safiirka dalka Turky-ga ee soomaliya Danjire Olgan Bakar ayaa sidoo kale kawada hadlay dar dar gelinta wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimo ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga taasi oo la isla gartay iney tahay mid muhiim.
Danjire Olgan Bakar danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta ay dhowaan ansixiyeen heshiiska dhanka Caafimaadka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga kaasi oo ay Baarlamaanka Federaalka u soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari ayaa dowlada Turky-ga ka codsaday in ay taageero buuxda Xukuumada soomaliya ka siiyaan hirgelinta arrimaha doorashooyinka la filayo in ay Soomaaliya ka dhacaan dhammaadka sanadkaan 2016.

