Weeraryahankii Hore ee xulka dalka France David Trezeguet ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka kooxdiisa Hore xili ay galabta ku guuleysatay horyaalka dalka Talyaaniga markii 5-aad oo xiriir ah.
Trezeguet ayaa Juventus ku guuleystay Horyaalka dalka Talyaaniga sanadihii 2001-02 iyo 2002-03 xili toban sano uu ku sugnaa Magaalada Turin ee dalka talyaaniga ka hor inta uusan kooxda ka dhaqaaqin.
Juventus ayaa Habeenkii xalay ahaa Guuldaro gaarsiisay kooxda Fiorentina laakin guuldaradii Napoli kasoo gaartay Roma galabta ayaa keentay in horyaalka ay usii dabaaldagto kooxda marwada duqda ah.

