Maamulka Gobolka banaadir ayaa ka Hadlay sarkaal ka Tirsanaa Xarakada al-shabaab oo xalay lagu qabtay howlgal laga sameeyay degmada Kaxda ee Gobolka banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka ku nool degmada Kaxda ay ciidamada Nabad sugida kusoo wargaliyeen in sarkaalkaan uu ku sugnaa degmada isla markaana ay ciidamada ku guuleysteen soo qabashada sarkaalkaan ka tirsanaa al-shabaab.
“Maamulka Gobolka Banaadir oo xog ka helay halka uu ku sugan yahay Xasan Fanax, ayaa sababtay in gacanta lagu soo dhigo. Si nabdoon ayaana gacanta loogu soo dhigay ninkaasi, ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay bixin doono lacagihii ay dhul-dhigay Madaxda Xasan Fanax lana siin doono dadkii suurta galiyay soo qabashadiisa.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa sidoo kale tilmaamay in maxkamad dhawaan lasoo taagi doono Xasan Fanax oo uu sheegay in uu ka dambeeyay dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

