Raisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib safaro uu ku tagay wadamada Turkiga iyo Ruushka.
Wafdiga Raisulwasaaraha waxaa garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Labada Golle ee dowlada soomaliya saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya.
R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in uu dalka Turkiga uga qeybgalay shirkii wadamada Islaamka, isagoo tilmaamay in mudadadii uu shirkaasi socday uu la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan wadamada Islaamka.
Mudane Cumar C/Rashiid ayaa sheegay in mas’uuliyiinta shirka wadamada islaamka ka qeyb gashay uu kala hadlay sidii loogu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska dalka soomaliya dhinac walba iyo sidii dowlada soomaliya ay u hanan laheyd amaanka dalka soomaliya.
Dhinaca kale Raisulwasaaraha ayaa xusay in safarkii uu ku tagay dalka Ruushksa uu ku soo dhamaatay guul, isagoo tilmaamay in dalkaasi uu kala soo hadlay sidii ugu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka soomaliyeed , wuxuuna hoosta ka xariiqay iney kulmi doonaan wasiirrada Gaashaandhigga iyo taliyayaasha labada dal.

