Dhageyso:- Gudoomiyihii Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne oo La Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo Hubeysan ay Gudaha Magaaladaas ku dileen gudoomiyahii xaafada howl wadaag oo  lagu magacaabi jiray allaha ha u naxariistee cabdi Diiriye Dalmaax.

Raga Hubeysan ayaa sidoo kale dhaawac u geysay askari ilaalo u ahaa Gudoomiyihii xaafada howl wadaag ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Sida uu idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay Gudoomiyaha Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cismaan Qallaafow.

Gudoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Qallaafow ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen rag lala xiriirinaayo dilka Gudoomiyihii Xaafada Howlwadaag Cabdi Diiriye Dalmaax.

Dhanka kale Ma Jirto cid si Rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada dilka gudoomiyahii xaafada howl wadaag ee Magaalada Beledweyne Cabdi Diiriye Dalmaax.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here