Guuleed Abuu Nabhaan oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ee Al-shabaab

0

Xarakada al-shabaab ayaa Gudoomiye cusub u Magacawday gobolka Hiiraan iyadoo xilka Laga qaaday Sheekh Maxamed Mire, oo ugu magacawnaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan, oo kamid ah saraakiisha  ugu sar sareysa xarakada al-shabaab ayaa lagu magacaabay Bayaan kasoo baxay Xarakada al-shabaab.

Radio Al Andalus oo ku hadla afka Xarakada  Al Shabaab, ayaa laga akhriyay bayaan ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda iyo Gobolada ee Al Shabaab, laguna soo magacaabay Abuu Nabhaan. Waxaa xilka laga qaaday Sheekh Maxamed Mire.

Dowlada soomaliya ayaa dhawaan sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Raaso in lagu dilay Gudoomiyihii al-shabaab u magacawnaa Gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed Mire. Taasi ayaa keentay ayaa la leeyahay Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ee al-shabaab.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here