Qasaaraha ka Dhashay Dhul Gariir Ku Dhuftay Dalka Ecuator oo Sii kordhay

0

Ilaa iyo lix gobol ayaa xaalad deg deg ah ay kusoo rogtay dowlada  Ecuator  kadib markii uu dhul gariir weyn ku dhuftay gobolada dalkaas.

Ugu yaraan 77 ruux ayaa dhul gariirka ku dhimatay sida ay shaaciyeen mas’uuliyiiin ka tirsan dowlada Ecuator.

Meelaha dhul gariirka uu saameeyay ayaa waxaa ku jirta caasimada gutu ee dalkaasi.

Dhul gariirkaan ayaa cabirkiisu uu gaaraya 7.8 cabirka dhul gariirka.

Dhanka kale  Madaxweynaha Ecuador, Rafael Correa, ayaa wuxuu si lama filaan ah uu u soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay dalka Talyaaniga ee qaarada Yurub, ka dib dhul gariirkii xalay ku dhuftay dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Ecuador oo la hadlay  warbaahintaa dalkaas ayaa yiri “Wadanka oo dhan waxaan u dirayaa salaan ka soo go’day laabta. Arintani waa mid aad u xanuun badan, balse waanu ka soo kaban doonnaa. Wax walba dib baa loo dhisi doonnaa sida, wadooyin, buundooyin iyo goobo caafimaad, waana la dhisi karayaa, hase yeeshee naf go’day lama soo celin karo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here