Daafaca kooxda Inter Milan iyo qaranka Brazil Miranda. Ayaa aaminsan in uu u qalmo daafaca kooxda PSG Thiago Silva in mar kale loogu yeero qaranka dalka Brazil.
Kaptanka kooxda Paris Saint-Germain ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay booskiisa xulka dalka Brazil waayay kadib guuldaradii kasoo gaartay qaranka dalka Paraguay, ciyaarihii Copa America oo dhawaan lagu qabtay dalka Chile.
Daaficii Hore ee kooxda ac Milan ayaan xiligaan loogu yeerin qaranka dalka Brazil kadib dhaawacyo soo gaaray laakin daafaca ay isku dalka yihiin ee Miranda. Ayaa aaminsan in daafacaan uu u qalmo ugu wicitaanka qaranka dalka Brazil.

