Kooxo Hubeysan oo bastoolado watay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dileen Haweeney 70 jir ahayd,
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Sey Biyaano. Ee degmada Hodan sida ay goob-joogayaal ku sugnaa goobta ay u sheegeen idaacada simba ee Magaalada Muqdisho.
haweeneyda, la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cibaado Cali Cagla, waxayna kamid aheyd ururka Haweenka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxayna kooxo hubeysan ku dileen afafka hore ee hoygeeda, xilli sida la sheegay ay halkaasi ku fiidsaneysay.
Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo goobta-gaaray ayaa sameeyay baaritaano iskastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raga dilka geystay.

