Musharaxa xisbiga jamhuuriga ee dalka mareykanka Donald Trump ayaa waxaa eedeyn kulul u jeediyey qaramada midoobe.
Seyd Racad Al Xuseyn oo ah madaxa ugu sareeya arrimaha aadanaha ee qaramada midoobe ayaa Donald Trump ku edeeyey in uu wado xad gudubyo ka dhan bini aadan nimada.
Donald Trump ayaa waxaa tan iyo markii uu soo galay ololaha musharax nimada ee xisbiga jamhuuriga uu la kulmay mucaarad nimo aad u badan oo uu kala kulmay siyaasiyiin caan ah.
Xisbiga jamhuuriga ayaa waxaa ugu horeeya oo hogaaminaya Donald Trump, dhamaan cod bixinada isreeb reebka ah ee ka socda gobolada dalka mareykanka.

