Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sameysay guddi ka kooban 90 xubnood oo loogu tala galay xaqiijinta amaanka ee dalka Kenya.
Gudigaan ay dowlada dhistay ayaa loo sameeyey 90 xarumood oo qaarkood ay ka dhisanayaan xadka Kenya ay la wadaagto Dalka soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in gudigaani ay wax badan ka tari doono amaan xumada ku soo badatay dalka Kenya isagoona intaasi ku daray in wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi ay soo dhistay gudigaani.
Weeraro ay ku dhinteen dad badan ayaa ka dhacay dalkaasi qeybo badan.
Al-shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa ay weeraro ku hayeen dalka Kenya xiligaasi oo ciidanka Kenya ay ka mid noqdeen howl galka AMISOM ee soomaaliya ka socda.
Ciidamada Kenya ee howl galka ku jira ayaa gaaraya 4,000 oo askari.

