Joe Kibet:-Waan Ka Xunahay Waxa ka Dhacay Deegaanka Buulo-Marer ee Gobolka Shabeelaha Hose

0

Taliska Amisom ee Soomaliya ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday deegaanka Buulo-Marer ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ciidan ka Tirsan amisom ay ku dileen dad Rayid ahaa.

Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet,  ayaa wuxuu sheegay in Taliskoodu uu ka xun yahay dhacdadii maanta ka dhacday Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Korneyl Joe Kibet  Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika  ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka uu Falka u dhacay  waxa uuna sheegay in ciidanka amisom ay u maleeyeen gaariga mid weerar ku ah  iyaga.

“Gaariga ayay ciidankeena la hadleen waxayna ku yiraahdeen istaag wuuna maqli waayay darawalkii gaariga waxayna u qaateen ciidankeena inuu weerar ku yahay, sidaas ayuuna falkaasi ku dhacay.” Ayuu yiri Joe Kibet.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Korneyl Joe Kibet ayaa sheegay in ay haatan socdaan baaritaan la xariira falkaan ka dhacay deegaanka Buulo-Marer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here