Faah-Faahin Ku Saabsan Dagaalka ka Dhacay Magaalada Marka ee Gobola Shabeelaha Hoose .

0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Marka ee Gobola Shabeelaha Hoose .

Dagaalka ayaa bilowday galabnimadii maanta waxa uuna soo gaaray ilaa caawa sida ay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya.

Lama ogo qasaaraha soo kala gaaray ciidamadii maleeshiyo beeleedka ee ku dagaalamay Magaalada Marka balse madaafiic ay labada dhinac ay isweedaarsadeen ayaa la sheegay in ay ku dhacday garaash baabuurta lagu xareeyo oo ku yaala Magaalada marka.

Marar badan waxaa kusoo laab-laabtay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose  dagaalka dhaxmara maleeshiyo beeleedka wada daga Magaalaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here