Agaasimaha Waaxda dab damiska gobolka Banaadir oo la hadlay Radio Simba ayaa waxa uu ka hadlay arimo la xariira gurmadka ay waxaada dab damiska gobolku sameeyan xilliyada uu dabku ka kaco degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in iyagu masuuliyad iska saaraan sidii ay ugu gurman lahaayeen Meelaha uu dabku ka kasocdo oo shaqadooda ay tahay in ay ka qeybqaataan daminta dab kasta oo ka kaca meel ka mid ah gobolka Banaadir balse ay jiraan caqabado iyo duruufo mararka qaar ka hor istaagaya in ay si fudud ku gaaraan goobaha uu dabku ka kaco.
Agaasimaha Waaxda dab damiska gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in caqabadda ugu weyn ee ay la kulmaan ay tahay waddooyinka xiran ee Magaalada,Waxaa intaa uu raaciyey in xilli ay doonayaan in meel dab ka kacay ay u gurmadaan in waddooyinku ku xirmaan halka waddooyinka qaarna ayba yihiin kuwa xilli hore dhagxaan loogu gooyey sababo ammaan,taasi oo uu sheegay in caqabad ku tahay howsha gurmadka ah ee ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaana dhinaca Kale uu baaq u diray shacabka Ku nool Gobolka Banaadir oo uu ugu baaqay in ay taxadar ka muujiyaan waxyaabaha keeni kara in dab uu kaco islamarkaana feejignaan dheeri ah ay muujiyaan isagoona sheegay in ay diyaar u yihiin la tacaalaan meelaha dabku uu ka kaco.

