Wararka Saaka Nagasoo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo shalay ilaa xalay galinkii dambe ilaa xalay maqribkii uu kasocday dagaal u dhexeeya Ciidamada Nabad-sugidda iyo Maleeshiyaad hubaysan ayaa sheegaya in xalay markii dagaalku joogsaday ka dib ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulka Galmudug la geeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.
Waxaa dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in Ciidanku ay yihiin kuwa hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan ay xalay oo idil ay kusii qulqulayeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada oo dagaal muddo socday uu ka dhacay.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa u sheegay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in dagaalka ay soo afjareen islamarkaana ay wadaan tirakoobka ku aaddan wxyeelada ka dhalatay dagaalkii xalay ilaa shalay dhacayey.
Waxaa saaka lagusoo waramaya sidoo kale in xaalka Magaaladu uu dagganyahay waloow meelaha qaar laga dareemayo saan-saan ciidan,waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dagaalka halkaa ka dhacay,balse dagaalka ka hor xilli gallinkii hore ee shalay ahaa ayaa waxaa Magaalada Cadaado Garoonka Diyaaradaha ee Ku yaalla la geeyey Ciidamo Ka tirsan Nabad-sugidda Maamulka Galmudug kuwaasi oo la sheegay in ay si toos ah ula wareegeen ammaanka Garoonka Diyaaradaha.

