Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Cabdi cali Xirsi (Qanjab) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in deegaanada Maamulka Puntland aysan ku noolaan Karin cid aan sharci haysan.
Wasiir qarjab ayaa ugu baaqay dadka deeganada Maamulka Puntland in ay qaataan kaarka dhalashada wuxuuna sidoo kale sheegay in dadka kale ee ku nool deeganada maamulka Puntland loo sameyn doono kaararka Dhalashada markii baaritaan lagu sameeyo kadib.
Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Cabdi cali Xirsi (Qanjab) ayaa ku tilmaamay talaabadaan mid lagu xoojinaayo amaanka deeganada maamulka Puntland kadib dagaal ay al-shabaab ku qaadeen deeganada xeebaha Puntland.

