Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya Lagu qabtay Munaasabad loogu dabaal degayay 56 guuradii ka soo wareegtay markii aas-aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April,
Munaasabad si heer sare losoo agaasimay ayaa lagu qabtay Xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan labaa gole ee dowladda, hogaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur galbeed, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo diblomaasiyiin,
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamud ayaa ugu horeyn markii tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga waxa uu salaam sharaf ka qaatay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada ayaa ka hadlay xaaladaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo guulaha ay gaareen.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa hambalyo kadib waxa uu ka warbixiyay marxaladihii kala duwan ee ay soo mareen ciiidanka xoogga dalka, isagoo xusay inay joogteynayaan dib u dhiska ciidanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo u direy dhamaan qeybaha ciimada Xoogga dalka soomaliyeed iyo xaasaskooda isagoona ugu hambalyeeyay qaabka ay ugu guuleysteen la wareegitaanka qaar kamid ah magaalooyinkii ay ku sugnaayeen al-shabaab,
Sidoo kale Madaxweye Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay ku howlantahay diyaarinta Nidaam cusub oo ay mushaaraadka ku qaadanayaan ciidanka, si aysan u dhicin musuq maasuq iyo wax is daba marin.
Maanta oo kale 12-april sanadkii 1960-kii waxaa la aas-aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo marxalado kala duwan soo maray kadib burburkii ka dhacay dalka soomaliya.





























