Dowlada Mareykanka oo Sheegtay in Tobonaan Al-shabaab ka Tirsan ay Duqeyn ku dishay.

0

Dowlada mareykanka ayaa sheegtay in toboneeyo ka tirsan Al-shabaab ay duqeyn kaga dileen kadib howl gal ay fuliyeen diyaaradaha mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ee kuwa droneska ah.

Aqalka difaaca mareykabka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ka fuliyeen koonfurta soomaaliya.

Afhyeenka pentagon-ka mareykanka Captain Jeff Davis ayaa sheegay in ay duqeenta ku dileen toboneeyo dagaal yahan oo ka mida ahaa Al-shabaab , isagoona intaasi ku daray in duqeentaasi ay fuliyeen diyaaradaha droneska ee dalka mareykanka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in duqeenta ay ka dhacday xero ay Al-shabaab ka daganaayeen koonfurta dalka soomaaliya

Bishii hore ayaa mareyanka uu Al-shabaab kaga dilay duqeyn ay ka fuliyeen diyaaradihiisa droneska degaanka Raaso oo ka tirsan gobolka hiiraan 150 dagaal yahan.

Mareykanka ayaa kordhiyey bilooyinkii dambe duqeenta qorsheesan uu la eeganaayo dagaal yahanada Al-shabaab iyo madaxda sar sare.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here