Danjiraha midowga afrika u qaabilsan soomaaliya ahna madaxa howl galka Amisom danjire Francisco Madeira ayaa kulamo la qaatay safiirada dalalka turkiga iyo imaaratka u fadhiya soomaaliya.
Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in safiirada dalalka turkiga iyo imaaratka ee soomaaliya ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee howl galka Amiom iyo sidii ay uga qeyb qaadan la haayeen xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida soomaaliya.
Waxaa kaloo uu danjiraha sheegay in safiirada dalalka turkiga iyo imaarratka ay ka wada hadleen sidii loo qaban lahaa doorashada madaxtinimo ee dalka ka qabsoomi doonto dhamaadka sanadkaan 2016.
Turkiga iyo imaaratka ayaa ka mid ah dowladaha caalamiga ah ee dalka soomaaliya dhinacyo badan ka taageero.
Olgan Bekar, oo ah safiirka turkiga ee u fadhiya soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo wada shaqeenta cusub ee ka dhex abuurantay turkiga iyo howl galka Amisom.
Mohamed Al-Othman oo isagana ah safiirka imaaratka ayaa shirka ka sheegay in imaaratka ay soomaaliya ka taageerayaan dhinacyada amaanka , maalgalinta kaabayaasha dhaqaale iyo fulinta mashaariicda hormarineed ee dalka hada uu imaaratka ka wado.
SOURCE: AMISOM OFFICIAL WEBSITE.

