Qaramada midoobe iyo sidoo kale midowga afrika ayaa magaalada muqdisho ku soo gaba- gabeeyey seminaar qaatay laba maalin oo looga hadlay howlahaha bini aadan nimo iyo kuwa militariyga ee ka socda soomaaliya.
Seminar kaan oo si wada jir ah ay u soo qaban qaabiyeen xafiiska isku duba ridka howlaha bini aadan nimo ee qaramada midoobe (UNOCHA) iyo xafiiska nabad ilaalinta soomaaliya ee midowga afrika (AMISOM) ayaa lagu bixiyey cashiro ku aadan sida aysan saameyn iskugu yeelan howlaha caawinta ee barnaamijyada loogu talagalay bini aadan nimada iyo howlaha military ee qaramada midoobe iyo midowga afrika ay ka wadaan dalka soomaaliya.
Howlaha biniaadanimo iyo kuwa military-ga inta badan dadku ma fahansana , waa in ay dadku la socdaan in ay isku xiran yihiin labadaba sidaas waxaa dhamaadka tabarka ka sheegay Peter de Clercq, oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobe ee soomaaliya ahna sidoo kale madaxa howlaha bini aadanimo ee qaramada midoobe u qaabilsan soomaaliya.
Maalinkii jimcaha ayaa uu ka furmay magaalada muqdisho seminar kaan .
Seminar-ka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad weyne ka socday bulshada rayidka iyo saraakiil iskugu jirta boolis iyo military oo ka socda howl galka Amisom kuwaasi oo seminar-ka uga qeyb qaatay dalalkii ay ka yimaadeen oo kala ah Djibouti, Kenya, Burundi, Uganda, Nigeria iyo Ghana.
Amisom oo ah howlgalka nabad ilaalinta ee midowga afrika ayaa waxaa uu ka socdaa soomaaliya xili ay joogaan askar gaareysa 22,000 oo askari kuwaasi oo ka yimid dalalka Djibouti, Kenya, Burundi, Uganda, Nigeria, Ghana iyo dalka Ethiopia.
SOURCE: XINHUA.

