Dalalka G7:  Biyaha Soomaaliya Waa Amaan Hadda oo Hoos Ayey u Dhacday Qatartii Burcad badeeda.

0

Dalalka G7 ayaa soo saaray warbixin ay ku qiimeenayeen qatarta ka jirta badaha dunida ayaa sheegay in biyaha soomaaliya aysan hada ka jirin Qatar aad u badan.

Wasiiradda arrimaha dibada ee dalalka ku bahoobay ururka G7 ayaa soo saaray warsaxaafadeed looga hadlay sida ay saddexdii sano ee la soo dhaafay ay hoos ugu dhaceen qatartii burcad badeeda soomaalida.

Wasiiradda arrimaha dibada ee dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, igiriiska, mareyakanka iyo wakiilo heer caalami oo matalayey ururka midowga yurub ayaa kulan ka qeyb galay.

Warka kasoo baxay ururka G7 ayaa sidoo kale lagu sheegay in tan iyo bilowgii howl galka caalamiga ah ee ATLANTA oo laga bilaaway badda soomaaliya sanadkii 2009-kii ay hoos u dhaceen kooxaha burcad badeeda soomaalida weerarada ay qaadi jireen.

Howlgalka Atlanta ayaa waxaa ka qeyb qaata dalalka caalamka oo fariisimo ku leh xeebaha soomaaliya.

Kooxaha burcad badeeda ee qaaradda afrika kuwa soomaaliya ka jira oo kaliya maaha balse maanta oo isniin ah ayaa kooxaha burcad badeeda Nigeria waxaa ay afduubteen lix ruux oo turkiyiin ah kuwaasi oo ay qafaasheen xili ay la socdeen markab marayey xeebaha dalka Nigeria ee qaarada africa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here