Shir u dhaxeeyay Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya.
Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxda ugu sareysa dowlada soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya , Risulwasaaraha , Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, oo shalay siyaabooyin kala duwan kusoo gaaray Magaalada Muqdisho, iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed. Oo horey Muqdisho ugu sugnaa.
Shirka xalay ay yeesheen Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jirta ayaa wuxuu horudhac u ahaa Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho,
Dhanka kale amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay aad loo adkeeyay waxaana saakay xiran qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho halbowlaha u ahaa.

