Waxaa maanta Lagu wadaaa in Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho uu ka Furmo kalfadhigii 8-aad ee Mudanaaysaha Baarlamanka soomaliya waana kalfadhigii ugu dambeeyay ee baarlamanka 9-aad.
Furitaanka Kal-fadhiga 8-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya Waxaa la filayaa inuu ka qaybgalo madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furitaanka Khudbad ka jeedindoona.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In Gudoonka sare ee baarlamanka soomaliya uu horyaalo ajendayaal kala duwan isla markaana loogu baahan yahay xildhibaanada baarlamanka soomaliya in ay soo xaadiraan kulamada Baarlamanka.

