Warsaxaafadeed laga soosaaray howl galka Amisom ee soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka soomaaliya oo wadajir ah ay degmada Adaan Yabaal ay ka saareen ciidamadii Al-shabaab ee shalay la wareegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeelada dhexe
Ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka soomaaliya waxaa ay ka xoreeyeen degmada Aadan Yabaal oo ay dib ugala wareegeen Al-shabaab ayaa lagu yiri sidoo kale warsaxaafadeedkaan.
Waxaa kaloo warka kasoo baxay howl galka Amisom lagu yiri in Deegaanada Maxaas iyo Moqokori oo ka tirsan Gobolka hiiraan ay ciidamada Amisom ka saareen Al-shabaab goobahaasi oo mudooyinkii dambe ay maamulayeen.
Dadka deegaanka oo horay uga cararay degmada aadan yabaal si aysan Qatar ugu yeelan dagaalada ka jira halkaasi ayaa hadda dib ugu soo laabtay guryahooda ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan laga soo saaray xafiiska Howlgalka Amiom ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Degmada aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa maalmahaan kuwada dagaalamayay ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka somaaliya oo isku garab ah iyo Al-shabaab oo shalay la wareegay inta badan degmada Aadan Yabaal.

