Al-shabaab oo Soo Bandhigay Sida ay u Fuliyeen Weerarkii Deegaanka Ceel-cadde+ Daawo Sawirro

0

Xarakada al-shabaab ayaa mar kale soo bandhigtay sawirro muujinaya qaabka ciidamada al-shabaab ay u fuliyeen weerarkii Abaabulnaa ee 15-kii Bishii Janaayo ay ka geysteen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa waxaa kasoo muuqday ruuxii fuliyay Ismiidaamintii lagu galay Irida Xerada deegaanka Ceelcadde, ruuxaasi oo Shabaab ay ku sheegen magaciisa Cabdul Qaadir Axmad Cali oo ku magac dheer (Farxaan).

Hogaanka al-shabaab waxa ay tilmaameen in ay weerarkaas ay ku dileen ku dhawaad 100-askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya wallow aysan dowlada Kenya aysan wali soo bandhigin tirade rasmiga ah ee kaga dhimatay weerarkii 15-kii Bishii Janaayo lagu qaaday xiro ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Al-shabaab waxa ay sidoo kale muqaalkooda ku muujinayeen in ciidamada Kenya ay mar walba dhibaato ku hayaan shacabka muslimiinta ee ku nool Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.

1460275541a0a2a 1460275576d8e16 1460275591bfa78 14602754161f5b3 14602754365d752 14602754439ecc4 14602754514d74f 14602755259e39b 14602755294c810 14602755326a55d 14602756067d168 14602756801e0b7 14602756944aeed 146027544886b29 1460275603063ab 146027544039043 146027568558360

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here