Waxaa Caawa la filayaa in lagu dhawaaqo cida ku guuleysatay doorashada Madaxtinimo ee dalka Jabuuti kadib markii shacabka dalkaas ay saakay u dareereen goobaha codbixinta.
Dadweynaha dalka Jabuuti ee isdiiwaan galiyay oo tiradoodu gareyso 180, 000 ayaa u kala codeynaya 6 musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Djibouti mudane Ismaciil Cumar Geele oo haatan ah Hogaamiyaha dalkaas.
Doorashada dalka Djibouti ayaa lasoo gaba-gabeeyay 6:00 pm maqribnimo ee caawa waxaa isla caawaba lagu dhawaaqayaa natiijada codbixinta madaxtinimada dalka Djibouti. Iyo cida ku guuleysata.
Qaar kamid ah madaxda mucaaradka dalka Jabuuti ayaa kasoo horjeystay qaabka loo wajahaayo doorashada dalka Jabuuti iyo in markale uu xilka isku soo taagay Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele

