Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya ayaa ku waramaya in meel 20 km ujirta degmada Ceelbuur. In uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka amisom iyo al-shabaab.
Rasaasta iyo hubka culus oo ay isweedaarsanayeen ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka amisom iyo kuwa al-shabaab ayaa laga maqlayay qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya.
Maamulka Xarakada al-shabaab ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen 50-askari oo ka tirsanaa ciidamada Ethopia kadib markii ay soo qaadeen weerar rogaal celis ahaa.
Wali ma jirto cid ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijin karta qasaaraha rasmiga ah.

