Hogaamiyaha Maamulka Puntland oo Tababar usoo Xiray Ciidamo ka Tirsan Maamulkaas.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Khamiis ah Madaxtooyada Maamulkaasi ee Garoowe Tababar ugu soo xidhay Ciidamo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada Maamulaka Puntland oo muddo dhawr bilood ah ay tababarro uga socdeen Xarumaha ee Madaxtooyada ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Madaxweynaha Mamulka Puntland oo hadal u jeediyey Ciidank Tabbarka loosoo xiray ayaa sheegay in Ciidanka laga rabo in ay qeyb ka noqdaan sugidda ammaanka deegaanada Maamulkaasi islamarkaana ay ka hortagaan weerarda uu sheegay in deegaanada Puntland ay ku qaadeen Al-shabaab,waxaana uu kula dardaarmay Ciidanka in ay ka qeybqaataan sidii bulshadu ay amni u helilahaayeen shaqadoodana ay u gutaan sidii loogu talglay.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada shaqadoodu kuma koobna ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse waxay qayb ka qaataan hawl-gallada deg-degga ah ee la faro in ay fuliyaan iyo sidoo kale in ay kaqayb qaataan dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta Puntland, ayuu yiri mar uu Mar uu hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland .

waxaana ciidankaas saaka tababarka loosoo xiray ay gaarayeen in ku dhaw 200 oo askari, iyadoona uu ugu dambayntii Madaxweyne Gaas guddoonsiiyey shahaadooyin sharafyo qayb kamid ah ciidankaasi oo xilligii tababarku socdey muujiyey dadaal dheeraad ah sida ay warbaahinta xarunta tababarka loogusoo xirayey Ciidankaasi ay ka sheegeen Sraakiil ka tirsan Maamulka Puntland.

Goobta Ciidank Tababarka loogusoo Xirayey Ee Magalad Garoowe Waxaa goobjoog k ahaa Saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle sare Abdirashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob), Saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka iyo agaasimayaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here